Sagal Abdi-Wali, haweene Soomaali ah, ayaa ku guuleysatay doorashadii baarlamaanka Britain ee 8-dii Oktoobar 2026, kursiga Holborn and St Pancras. Abdi-Wali ayaa helay 12,292 cod, kana guuleysatay musharraxiintii la tartamayay. Guusheedu ma aha oo keliya guul shaqsiyeed, balse waa tusaale muujinaya sida Soomaalida qurbaha ku nool ay uga dhex muuqan karaan siyaasadda, hoggaanka iyo hay’adaha dowladeed ee dalalka ay deggan yihiin.

Soomaalida oo ka dhex muuqata siyaasadda caalamka waa arrin aan shaki lahayn. Tusaale ahaan, Ilhan Omar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka, Ahmed Hussein oo ka tirsan baarlamaanka Canada horena u soo noqday wasiir, iyo Mohamed Firin oo ka tirsan baarlamaanka gobolka Ontario. Sidoo kale, doorashadii Sweden ee 2026 waxaa la soo sheegay in shan siyaasi oo asal ahaan Soomaali ah ay galeen baarlamaanka dalkaas.

Guulahaasi waxay muujinayaan in Soomaalidu leedahay karti, aqoon, dadaal iyo awood ay ku kasban karto kalsoonida bulshooyinka ay la nooshahay. Marka la helo nidaam ku dhisan sharci, caddaalad, isla xisaabtan iyo hay’ado dowladeed oo shaqeynaya, qofku wuxuu fursad u helayaa inuu kartidiisa ku muujiyo tartan siyaasadeed oo nidaamsan.

Haddaba, su’aasha muhiimka ahi waxay tahay: haddii Soomaalida qurbaha joogta ay ka dhex muuqan karaan baarlamaannada iyo hay’adaha dowladeed ee dalal kala duwan, maxaa dalkeennii hooyo ka hortaagan inuu yeesho nidaam siyaasadeed oo caddaalad iyo karti ku dhisan? Soomaaliya maanta waxaa weli culays ku haya khilaafaad siyaasadeed, is-qabqabsi joogto ah, maamul-xumo, qaraabo-kiil iyo hay’ado aan mar walba u shaqeyn sida laga filayo.

Dhibaatadu ma aha in Soomaalidu aanay lahayn karti ay dal ku maamusho; balse waxaa lagama maarmaan ah in la dhiso nidaam kartida dhiirriigeliya, caddaaladda ilaaliya, qof kastana siinaya fursad siman. Dal ma horumaro haddii xilalka lagu bixiyo qaraabonimo iyo dano gaar ah, halkii lagu saleyn lahaa aqoon, waayo-aragnimo iyo daacadnimo.

Sidoo kale, dowlad ma xoogaysato haddii siyaasiyiintu ka hormariyaan danahooda gaarka ah danta guud ee shacabka. Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan isu keena dadka, xoojiya hay’adaha qaranka, dhowra sharciga, isla markaana shacabka u adeega. Waa in siyaasadda laga saaraa dhaqnka ah in kursigu noqdo hanti gaar ah, laguna beddelaa masuuliyad iyo adeeg bulsho.

Hambalyo Sagal Abdi-Wali, guusha taarikhiga ah ee ay ka gaartay baarlamaanka Britain. Guusheedu waxay dhiirrigelin u tahay dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha, si ay uga qayb qaataan hoggaanka, waxbarashada iyo horumarinta bulshooyinka ay ku nool yihiin. Ugu dambayn, guusha Soomaalida qurbaha waa inay nagu dhalisaa su’aal iyo baraarug: haddii ay ku guuleysan karaan inay dhistaan mustaqbalkooda dalal kale, maxaa inaga hor istaagaya inaan dalkeenna ka dhisno nidaam caddaalad, nabad iyo horumar ku dhisan?

Key points

  • Sagal Abdi-Wali oo noqotay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Britain
  • Soomaalida qurbaha joogta ay ka dhex muuqan karaan siyaasadda, hoggaanka iyo hay’adaha dowladeed
  • Guusha Soomaalida qurbaha waa inay nagu dhalisaa su’aal iyo baraarug

Share this story

Written by

SaharaWire Newsroom
SaharaWire

Reporting for SaharaWire from the Nairobi bureau.