Qaramada Midoobay ayaa 31 October 2026 si rasmi ah u soo gabagabeynaya hawlgalkii siyaasadda ee Soomaaliya, UNTMIS. Xafiiskaan ayaa la aasaasay 30 October 2024, kaddib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyey qaraarka tirsigiisu yahay 2753. UNTMIS ayaa beddeley UNSOM, oo la aasaasay 3 June 2013, kaas oo muddo ka badan 11 sano ka shaqeynayay taageerada siyaasadeed, dib-u-dhiska dowladnimada iyo nabadeynta Soomaaliya.
UNTMIS ayaa waajibaadkiisu ahaa taageerada dhismaha dowladnimada, dib-u-eegista dastuurka, dadaallada doorashooyinka xor iyo xalaasha ah, dib-u-heshiisiinta siyaasadeed, ilaalinta xuquuqda aadanaha, horumarinta sharciga iyo garsoorka, taageerada hay’adaha amniga iyo isku-duwidda taageerada deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah. Xiritaanka UNTMIS ayaa qayb ka ah qorshe kala-guur oo ay si wadajir ah u diyaariyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Qorshe kala-guurka ayaa ujeeddadiisu ahayd in mas’uuliyadaha hawlgalka si tartiib-tartiib ah loogu wareejiyo hay’adaha dowladda Soomaaliya, xafiiska isku-duwidda Qaramada Midoobay ee dalka iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso. Ujeedadu tahay in Soomaaliya ay xilligaan dareento lahaanshaha mas’uuliyadda nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda.
Dhanka amniga, ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu bilaabay qorshe dib-u-habayn iyo dhimista joogitaankooda. Mas’uuliyadda amniga si tartiib ah loogu wareejinayo ciidamada dowladda Soomaaliya. Ciidamada Uganda oo ahaa kuwii ugu horreeyey ee magaca AMISOM ku yimaada Soomaaliya 2007 gacantana ku hayey xafiisayda dowladda, garoomada, dekedo iyo goobo muhiim ah ay bilaabeen in qaybo kamid ah dib loogu celiyo dalkooda.
Hirgelinta go’aankaan ayaa yimid kadib markii 29 October 2026, uu Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, shaaciyey in ciidamadooda ay bilaabeen inay Soomaaliya ka baxaan, kaddib ku dhowaad 20 sano oo ay dalka ka howlgaleen. Maalintii xigtay oo ahayd 30 October, ay Muqdisho ka ambabexeen ciidankii ugu horreeyey oo ka kooban 109 askari oo Uganda ah.
Uganda ayaa muddo dheer ahayd dalka ugu badan ee ciidamada ka geeya hawlgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya. Ciidamadeedu ka qaybqaateen howlgalladii AMISOM, ATMIS iyo AUSSOM. Bixitaankooda loo sababeeyey dhaqaale yarida soo wajahdey hawlgalka kadib markii la waayey dhaqaalihii caalamku ku taageeri jirey sugidda ammaanka Soomaaliya.
Xiritaanka UNTMIS iyo bixitaanka ciidamada Uganda ayaa qeyb ka ah isbedelada socda ee ku aaddan amniga iyo siyaasadda Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda la wareegay mas’uuliyadaha hawlgalka, iyadoo taageero ka helaysa Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah.
Key points
- Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u soo gabagabeynaya hawlgalkii siyaasadda ee Soomaaliya, UNTMIS, 31 October 2026.
- Xiritaanka UNTMIS ayaa qeyb ka ah qorshe kala-guur oo ay si wadajir ah u diyaariyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
- Ciidamada Uganda ayaa bilaabeen inay Soomaaliya ka baxaan, kaddib ku dhowaad 20 sano oo ay dalka ka howlgaleen.